Gunners ayaa lagu soo waramayaa inay kula dagaalaamayso ilig iyo ciddi si ay ula soo saxiixato Real Sociedad khadkeeda dhexe ee iyo Mikel Merino.
Arsenal iyo Real Sociedad ayaa xiriir la sameeyay isbuucaan si ay u dhamaystiraan heshiiska Mikel Merino.
Wada xaajoodyada heerarkii ugu dambeeyay ayee marayaan haatan, Arsenal ayaana horumarisay heshiiska in ka badan laba toddobaad ka hor, khidmadda ayaa ku dhaw in lagu heshiiyo inta lagu guda jiro qaab dhismeedka heshiiska/shuruudaha lacag bixinta.
Dhammaan dhinacyada ayaa weli rajo ka qaba heshiiska.
Arteta ayaa caadiyan xiriir la lahaa 28 jirkaan, kaasoo ku faanaya khibradii hore ee Premier League ee uu ku qaatay Newcastle United.
Ka dib markii la waydiiyay in “Mikel uu jecel yahay Mikel”, Arteta oo dhoola cadeynaya ayaa ku jawaabay
“Ma naftayda ayaan jeclahay?!” “Waad ogtahay inaanan ka hadli karin ciyaartoy kale.
“Waxa aan sheegay in xilli ciyaareedkii hore ka dib in aanu yeelanay laba ujeedo, midda ugu weyn iyo tan ugu muhiimsan ayaa ah in aanu hubino in aanu wali aad u jecelahay ciyaartoydeena oo aanu helno habab aanu ku horumarino, taasina waa waxa ugu wayn.
Markaa haddii ay jiraan fursado gaar ah suuqa, si loo hagaajiyo kooxda hubaal waa inaan eegno taas.
Taasi waa waxa aan isku dayi doono inaan sameyno.”
Tababaraha kooxda Arsenal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in bixitaano badan ay suurtagal tahay ka hor inta uusan xirmin daaqadda.
Arsenal ayaa doonaysa in ay ka gaadho guusheedii 7-aad oo xiriir ah sabtida kooxda Wolves halka daafaca William Saliba uu jabin karo rikoorka kooxda hadii ay Gunners ay guul gaarto.