Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in Bukayo Saka uu si wanaagsan uga soo kabsanayo dhaawicii soo gaaray, isagoo rajeynaya inuu si dhaqso leh ugu soo laabto garoomada. Arteta wuxuu yiri: “Wuxuu ku sii dhowaanayaa inuu soo kabsado.Wuxuu sameynayaa horumar wanaagsan. Aan aragno goorta aan go’aansano inaan soo celino, sida uu uga jawaabo iyo sida ugu dhaqsaha badan ee uu taam u noqon karo.”
Saka, oo 23 jir ah, ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay ee Arsenal kadib dhaawac soo gaaray bishii Diseembar 2024. Dhaawaciisa ayaa keenay in uu maro qaliin si loo hagaajiyo muruqa lugta dambe. Tan iyo markaas, wuxuu ku jiray barnaamij soo kabasho, waxaana muuqata inuu ku sii dhowaanayo inuu dib ugu soo laabto garoomada.
Arsenal ayaa wajahaysa Real Madrid wareega siddeed dhammaadka Champions League bisha soo socota. Inkastoo Arteta uu ku faraxsan yahay horumarka Saka, wuxuu caddeeyay in diiradda kooxda ay hadda saaran tahay kulanka soo socda ee Premier League ay la leeyihiin Chelsea. Wuxuu yiri: “Waa inaan diiradda saarnaa Chelsea. Waa kulan muhiim ah, waxaana u baahan-nahay inaan sii wadno qaab ciyaareedkeena wanaagsan.”
Taageerayaasha Arsenal ayaa rajeynaya in Saka uu taam u noqdo kulanka Real Madrid, maadaama uu yahay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan ka qeybgalka Saka ayaa ku xirnaan doona sida uu uga jawaabo tababarka iyo heerka taam ahaanshihiisa maalmaha soo socda.
Arsenal ayaa sidoo kale la tacaaleysa dhaawacyo kale, iyadoo Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ay maqnaan doonaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, soo laabashada Gabriel Martinelli iyo horumarka Saka ayaa siinaya kooxda dhiirigelin ka hor kulamada muhiimka ah ee soo socda.