Mikel Arteta ayaa magacaabay kooxda Premier League ee had iyo jeer ka dhigta Arsenal kuwa silacsan
Xili ciyaareedkan, Arsenal waxa ay isha ku haysaa in ay meel fiican gaadho oo ay hanato horyaalkeedii ugu horeeyay ee Premier League tan iyo 2004tii.
Haatan Gunners ayaa laba dhibcood ka danbeysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool kuwaas la ciyaaraya kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Manchester City kulan adag oo Axada ka dhici doona Anfield.
Haddii Arsenal ay ka badiso Brenford Sabtida, iyada ayaa hogaanka la wareegi doonta madaama Liverpool iyo Man City ay ciyaaraan Axada.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id, Arteta wuxuu u magacaabay kooxda Brentford inay tahay kooxda had iyo jeer silcisa Arsenal.
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta waxa uu yiri: “Dhibic kasta oo aan dhuminay way ina dhaawacday xilli ciyaareedkan. Wax badan oo aan u ciyaarno ayaa inoo haray, kulankaan mar walba waa mid adag.
“Brentford waxaan la ciyaarnay labo jeer, waan silicnay labada jeerba, mar walba Brentford way ina silcisaa. Sabtida waxaan ka filanayaa si la mid ah.”
Markii la weydiiyay muhiimada kulanka Brentford, waxa uu yiri: “Waxa kaliya aan koontarooli karno waa inaan si fican u ciyaarno, waa inaan iyaga ka ciyaar wanaagsanaano islamarkaana aan guuleysano.
“Haddii aan sidaas sameyno markaas Axada waxaan heysanaa kulan qurux badan oo daawano, waa hubaal waa daawan doonaa.”