Mikel Arteta oo ka warbixiyay dhaawaca Gabriel kaddib markii Arsenal garaacday West Ham.
Gabriel Magalhaes ayaa lagu qasbay in uu ciyaarta ka baxo qeybta nasashada ciyaartii Premier League ee Arsenal ay la ciyaareen West Ham Sabtidii.
Daafaca xulka Brazil ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Arsenal daqiiqaddii 10-aad isagoo madax ku dhaliyay kubbad gees ka laad ah, iyadoo kooxda Mikel Arteta ay intaas kaddib dhalisay afar gool oo kale qeybtii hore ee ciyaarta.
Gabriel ayaa sidoo kale ku guuleystay rigoore daqiiqadihii dheeraadka ee qeybta hore kaddib markii goolhayaha West Ham, Lukasz Fabianski, uu madaxa ku dhuftay, taasoo keentay in Bukayo Saka uu rigoorada u badalo gool.
Gabriel ayaa u muuqday mid miyir daboolmay markii uu istaagay, waxaana lagu bedelay Jakub Kiwior intii lagu jiray nasashada ciyaarta.
Markii ay ciyaartu dhammaatay, Arteta ayaa shaaca ka qaaday in sababta Gabriel loo saaray aysan aheyn dhaawac maskaxda ah (concussion), balse ay la xiriirtay dhaawac uu hore u soo gaaray ciyaartii 5-1 ee ay Sporting CP kaga badiyeen Champions League Talaadadii.
Arteta wuxuu yiri: “Maya, waxay la xiriirtay dhaawicii hore ee uu ku soo gaaray Lisbon. Dabcan, wuu dadaalay si uu qeyb uga noqdo ciyaarta, laakiin iyadoo natiijada sidaas tahay iyo dhaawicii uu wali dareemayay, waxaan go’aansannay inaan ka saaro ciyaarta.”
Arsenal ayaa hadda wajihi doonta Manchester United garoonkeeda Emirates habeenka Arbacada.