Mikel Arteta ayaa ka shalaynaya go’aankii ay Arsenal ku diiday in ay weeraryahan kula soo saxiixato suuqii January xilli Kai Havertz uu haatan halis ugu jiro in uu garoomada ka maqnaado muddo.
Havertz ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaaray dhaawac muruqa ah intii lagu guda jiray safarkii tababarka Arsenal ee Dubai todobaadkan.
Dhibaatada soo gaartay waxay la xiriirtaa murqa, waxaana hadda socda baaritaano lagu ogaanayo inta uu le’eg yahay dhaawaciisa.
Arintaan ayaa dhabar jab ku ah kooxda Arsenal oo gabi ahaanba dhibaato xoogan oo weerarka ah wajaheysa xili ciyaareedkaan.
Haddii dhaawaca la xaqiijiyo, waxay la macno tahay in Ethan Nwaneri, Leandro Trossard iyo Raheem Sterling ay yihiin weerarka kaliya ee taam u ah Arsenal waqtigaan.
Gabriel Jesus ayaa maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan isaga oo wajahay dhaawac ACL, Gabriel Martinelli ayaa dhaawac muruqa ah ku maqanaan doona muddo bil ah, halka Bukayo Saka aanu soo laaban doonin ilaa bisha March kadib qaliin lagaga sameeyay muruqa.
Arsenal ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan wax ka qaban baahidooda weerarka bishii Janaayo, gaar ahaan markii dhaawaca ACL uu soo gaaray Jesus.
Nimanyahoow Arsenal iyo Arteta aa ku waalanateen ma is dhahdeen