Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa kala saaray kooxaha Manchester City iyo Arsenal ee ku loollamaya horyaalka Premier League ee Axadda lasoo gabogabaynayo, taas oo midkooda ku guuleysanaya la go’aamin doono ilbidhiqsiyada uu dambeeya ee kulamada Axadda.
Manchester City ayaa hadda laba dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka, waxaanay Axadda la dheeli doonaan kooxda reer London ee West Ham United, iyagoo labadii kulan ee horena ay City soo garaacday kooxaha reer London ee Crystal Palace iyo Tottenham.
Arsenal ayaa iyaduna waxa ay garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyn doontaa Everton, waxaanay rajadeedu ku xidhan tahay inay kulankan guuleystaan sidoo kalena la qabto Manchester City.
Paul Merson oo saadaaliyey kulamada usbuucan ayaa waxa uu sheegay in Arsenal ay soo qabatay shaqo cajiib ah, laakiin aanay heli doonin horyaalka Premier League oo ay Manchester City ku guuleysan doonto sababtoo ah waxa guushoodu ay ku xidhan tahay natiijada kulan kale oo ah Manchester City iyo West Ham iyadoo ay adag tahay in West Ham ay joojin karto City oo waqtiyadan oo kale guulo xidhiidh ah isku xigsiisa.
Paul Merson waxa uu sheegay in Manchester City ay 2-0 ku garaaci doonto West Ham, sidaasna ay ku qaadi doonto horyaalka Premier League, laakiin Arsenal ay dhinaceeda 2-0 ku duban doonto Everton, balse marka uu garsooruhu siidhiga dhamaadka yeedhiyo ay ciyaartoydu oohin garoonka dhaxdiisa la fadhiisan doonaan.