Goolhaye Andre Onana waxa uu kalsooni ku qabaa in isaga iyo asxaabtiisa kooxda Manchester United aysan ku dhibtoon doonin la qabsiga taatikada uu wato tababaraha cusub ee Ruben Amorim.
Tababaraha reer Portugal ayaa si rasmi ah ula wareegi doona shaqada Old Trafford November 11, isagoo bedeli doona Erik ten Hag, kaasoo shaqada laga ceyriyay usbuucii hore ka dib qaab ciyaareed liita oo uu ku bilowday xilli ciyaareedka.
Amorim ayaa guul weyn ku sagootiyay Sporting CP oo 4-1 kaga badisay Manchester City xalay, taasoo aheyd ciyaartiisii ugu dambeysay ee uu hogaamiyo kooxda heysata horyaalka Primeira Liga.
39-sano jirkaan qaab ciyaareedka uu doorbidayo ayaa ah 3-4-3, wuxuu gabi ahaan ka guuri doonaa 4-2-3-1 ee uu isticmaali jiray Ten Hag.
Hadalheyn badan ayaa ka dhalatay sida ciyaartooyda Man Utd ula qabsan karaan nidaamka tababaraha cusub oo xitaa ka duwan kii Ruud van Nistelrooy isticmaalay labadi kulan ee ugu dambeysay.
Si kastaba ha ahaatee, Onana ayaa ku adkeysanaya in kooxda United aysan wax dhib ah kala kulmi doonin la qabsiga taatikada cusub ee tababaraha reer Portugal. wuxuuna sidookale sheegay in ay isaga iyo dhamaan saaxibadiis soo dhaweyn weyn u sameyn doonaan macalinka cusub.
Ilaa hadda majiro qof kooxda katirsan oo hubi booskiisa joogtada ah, waxaana jirta hadalheyn badan oo ku aadan boosaska ciyaartooyda sida ay isku bedeli karaan.