Bayern Munich ayaa la saxiixatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Michael Olise heshiis shan sano ah kadib markii ay bixisay lacag dhan £60 milyan oo gini.
22-jirka Ingiriis ku dhashay balse u ciiyara 21 jirada France ayaa 90 kulan u saftay tartamada oo dhan seddex xilli ciyaareed oo uu la joogay Palace.
Wuxuu Eagles kaga soo biiray Reading Adduun dhan £8 milyan bishii July 2021.
Chelsea iyo Newcastle United ayaa horaantii xagaagan muujiyay xiisahooda Olise laakiin xiddiga garabka ka ciyaara ayaa doortay inuu u dhaqaaqo Germany, halkaasoo uu ka hoos shaqeyn doono tababaraha cusub ee Bayern Vincent Kompany.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan hadda u ciyaaro koox weyn – waa tartan aad u weyn, taasina waa waxa aan raadinayay,” ayuu yiri Olise.
“Waxaan rabaa in aan isku muujiyo heerkan oo aan ka ciyaaro doorkayga si aan u xaqiijino inaan ku guuleysano koobab badan intii suurtagal ah sanadaha soo socda.”
Olise ayaa dhaliyay 10 gool 19 kulan oo uu saftay Premier League xilli Palace ay ku dhameysatay kaalinta 10aad ee kala sareynta xilli ciyaareedkii hore.
Waxaa loo xushay xulka France ee ka qayb galaya ciyaaraha Olombikada ee Paris ka bilaabanaya dabayaaqada bishan.
Daafaca England Eric Dier ayaa sidoo kale si joogto ah ugu biiray kooxda Bundesliga ka dib markii uu amaah uga soo biiray Tottenham Hotspur tan iyo bishii Janaayo.
Bayern 11 sano oo ay maamulaysay horyaalka Jarmalka waxaa soo afjaray Bayer Leverkusen xilli ciyaareedkii hore.