Xiddigii hore ee Arsenal ee Mesut Ozil ayaa baraha bulshada ku weeraray kooxda reer London ee Chelsea, waxaana uu sheegay in maxsuulka ciyaarahooda ee ku dhamaanaya guul-darrooyinku ay yihiin in ay lumiyeen oo uu waliba bilaash kaga tegay ciyaartoy uu ku tilmaamay ‘difaaca ugu wanaagsan adduunyada’.
Mesut Ozil oo sannadkii 2013 ay Arsenal kasoo iibsatay Real Madrid ayaa waxa uu Emirates Stadium ku qaatay toddoba sannadood oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada isaga oo kula guuleystay afar FA Cup, laakiin ugu dambayntii ay isku dhaceen tababareyaasha kooxda oo u guuray waddanka Turkey.
Halyeygan xulka qaranka Germany ka caawiyey inay ku guuleystaan Koobkii Adduunka 2014, ayaa waxa uu ka hadlay guul-darrooyinka Chelsea oo hadda kaalinta 10aad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League, isla markaana xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta 12aad.
Waxa kale oo uu ammaan kula dul-dhacay difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger oo bandhig heersare ah ka samaynaya Real Madrid oo uu xalayna u dhaliyey gool madi ah oo ay kaga adkaadeen Real Mallorca.
Mesut Ozil ayaa kaddib ciyaartii Real Madrid iyo Real Mallorca yidhi: “Rudige rwaa difaaca ugu wanaagsan adduunyada. Waxa uu Toni ku jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa, waqtiganna isaga ayaa ugu fiican adduunyada.
“Kooxdaydii hore ee Real Madrid waxay ku jirtaa xilli-ciyaareed cajiib ah. Waxa aad sidoo kale weydiin kartaa Haaland ama Osimhem sida uu u fiican yahay Rudiger. Bal eeg waxa ku dhacay Chelsea markii uu ka tegay… waxay tebayaan maskaxdiisii iyo dhiirranaantiisii maalin kasta.”
Tababare Carlo Ancelotti oo isaguna ka hadlay Rudiger kaddib ciyaartii ay xalay 1-0 kaga adkaadeen Real Mallorca oo uu Rudiger madax ugu dhaliyey goolka madiga ah ayaa yidhi: “Rudiger waxa uu ku jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa. Waxa uu ka faa’iidaystay ciyaartoyda kale ee dhaawaca ah. Bandhiggiisu waa heerkii ugu sarreeyey, walibana wuu sii wadaa. Mar walba waxa uu diyaar u yahay in uu loollamo.”
Rudiger oo ay da’diisu tahay 30 jir, ayaa xagaagii 2022 waxa uu si bilaash ah kaga tegay Chelsea oo uu u wareegay Real Madrid isaga oo soo gabogabeeyey shan sannadood oo uu ka ciyaarayay Stamford Bridge, waxaana difaaca dhexe ee Los Blancos ay ku midoobeen David Alaba oo isagana sannadkii 2021 ay Real Madrid bilaash kagala soo wareegtay Bayern Munich iyo Eder Militao.
Xilli-ciyaareedkan socda, waxa uu Rudiger u saftay Real Madrid 24 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, halka xilli-ciyaareedkii tegayna uu u ciyaaray 53 kulan.