Kylian Mbappé ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay xaaladihii isaga iyo qoyskiisa dhex maray intii uu ka fikirayay mustaqbalkiisa, isagoo shaaca ka qaaday in uu ku dhowaaday inuu iska diido riyadiisii muddada dheer ee Real Madrid.
Wareysi uu siiyay suxufiga Mouloud Achour oo lagu baahiyay barnaamijka Clique ee Canal+ France, Mbappé wuxuu si weyn diiradda u saaray saamaynta go’aankiisa uu ku yeeshay walaalkiis yar, Ethan Mbappé, oo sidoo kale ah ciyaaryahan da’yar ka tirsan Paris Saint-Germain (PSG).
Mbappé ayaa sheegay in xidhiidhka adag ee uu la leeyahay Ethan uu ka dhigay mid ka walaacsan saameynta PSG iyo xaaladda qandaraaskiisa ay ku yeelan doonto mustaqbalka walaalkiis.
“Waa waxa ugu badan ee aan la dhibtooday” ayuu yiri Mbappé. “Real Madrid-kayga waxa ay ahayd PSG-da Ethan. Wuxuu ii sheegay inuusan dooneynin inuu halkaas sii joogo, sababtoo ah ma ahayn wax caadi ah inay sidaas dhacdo.”
Kylian wuxuu xusay inuu xitaa diyaar u ahaa inuu iska iloobo riyadiisa Real Madrid si uu walaalkiis uga caawiyo farxaddiisa iyo horumarkiisa ciyaareed.
“Waxaan ku idhi: haddii aad rabto inaad sii joogto, waan cusbooneysiinayaa heshiiska PSG, wuuna sii soconayaa muddo. Waxaan ka tanaasuli lahaa riyadaydii Madrid isaga dartii. Ethan waa walaalkay, laigama taaban karo. Maxay faa’iido leedahay in aan u saxiixo kooxda ugu fiican adduunka haddii ay wax u dhimeyso xirfadda walaalkay?” ayuu yiri Mbappé.
Hadalka Mbappé ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay inuu mudnaan gaar ah siiyo qoyska iyo sida ay u adag tahay in ciyaaryahanno heer sare ah ay sameeyaan go’aanno waaweyn oo saameynaya noloshooda shaqsiyeed iyo xirfaddooda.