Kylian Mbappé ayaa loo caleemo saaray xiddiga ugu wanaagsan ee Faransiiska xilli ciyaareedka 2023-2024, isaga oo afar cod keliya kaga adkaaday William Saliba.
Mbappé wuxuu helay 56 cod, halka Saliba uu ku dhameystay 51 cod. Abaalmarintan, oo ay bixiso France Football, waxaa go’aamiya dhammaan ciyaartoyda Faransiiska ee hore u hantiyay abaalmarinta. Tani waa markii afaraad ee uu Mbappé ku guuleysto abaalmarintan, ka dib markii uu ku guuleystay 2018, 2019, iyo 2023.
Xiddiga weerarka Real ayaa abaalmarintan la guddoonsiiyay usbuucii hore, ka hor inta uusan waraysigiisii ugu horreeyay muddo 11 bilood ah ku bixin barnaamijka Clique ee Canal+ Axadii. Kabtanka xulka qaranka Faransiiska ayaa u sheegay L’Équipe in William Saliba, oo afar dhibcood ka dambeeyay, uu si buuxda ugu qalmay abaalmarinta.
Waxaa xiiso leh in codbixinta ay muujisay isbedel. Karim Benzema, oo hore ugu guuleystay abaalmarintan, wax dhibco ah ma uusan siinin Mbappé, isaga oo doortay Eduardo Camavinga, Barcola, iyo Zaïre-Emery. Xidigga khadka dhexe ee N’Golo Kanté, oo ay isku xulka yihiin Mbappé, sidoo kale ma uusan u codeyn Mbappé, isaga oo doortay Saliba, Koundé, iyo Camavinga.
Dhanka kale, Antoine Griezmann wuxuu u codeeyay Mbappé asagoo u doortay ciyaaryahanka labaad ee ugu wanaagsan, halka uu Alexandre Lacazette u doortay kaalinta koowaad, halka Del Castillo oo ka socda Brest uu siiyay kaalinta saddexaad.
Mbappé ayaa u codeeyay Saliba waxa uuna u xushay kaalinta koowaad, Camavinga kaalinta labaad, halka uu Aurelien Tchouaméni, oo shanaad galay codbixinta, u xushay kaalinta saddexaad.
Mbappé ayaa markale xaqiijiyay booskiisa ciyaartoyda ugu wanaagsan ee Faransiiska, isaga oo afar jeer ku guuleystay abaalmarintan. Xilligii ugu horreeyay ee uu hantiyay waxay ahayd 2018 markii uu koobka adduunka qaaday, wuxuuna markale ku guuleystay 2019, 2023, iyo 2024.