Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in lagu hayo baaritaan kufsi ah oo ka dhacay Sweden; xiddiga Real Madrid ayaa ku tilmaamay wararkan “war been ah.”
Inkastoo wargeyska Iswiidhen ee Aftonbladet uu qoray in booliska ay qof kusoo oogeen kufsi, ma aysan xusin magaca qofka la eedeeyay. Si kastaba ha ahaatee,wargeyska Expressen ayaa sheegay in Mbappe, oo 25 jir ah, uu yahay qofka baaritaanka lagu hayo.
Xiddiga kubadda cagta Faransiiska Kylian Mbappe ayaa lagu haystaa arrin kufsi ah. Booliiska Swedhen ayaa wada baaritaanka lufsiga. Arrintan ayaa imaaneysa kadib booqashadii dhawaan Mbappe ku tagay Stockholm, in kastoo weeraryahanka Real Madrid uu ku tilmaamay arrintan “war been ah.”
Sida warbixin ay ku heshay Expressen, booliisku waxay baarayaan xiddiga oo si macquul ah loogu eedeeyay kufsi iyo weerar galmo.