Real Madrid ayaa indhaha ku haysa inay Heung-Min Son ka dhigto mid ka mid ah saxiixyada ugu macquulsan ee suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Qandaraaska weeraryahanka South Korea ee Tottenham Hotspur wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, mustaqbalkiisuna wuxuu u muuqdaa mid aan la hubin.
Kooxda Caddaanku waxa ay aaminsan yihiin in qibradiisa iyo gool dhalintiisa ay qayb muhiim ah ka qaadan karto weerarka Real Madrid.
Son, oo 32 jir ah, ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League intii uu joogay kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Tottenham.
Tan iyo markii uu Premier League tagay 2015, kabtanka Spurs wuxuu ku soo bandhigay qaab ciyaareed aan la iloowi karin isagoo goolal muhiim ah u dhaliyay kooxdiisa inkastoo uusan wax koob ah la qaadin.
Son oo hadda maraya gabagabada xirfadiisa ciyaareed wuxuu raadinayaa koox uu koob kula guuleysan karo, waxaana la rumeysan yahay in ay tahay Real Madrid.
Real Madrid ayaa u isticmaali doonta Son oo beeca xorta ah lagu heli karo weeraka tooska ah ee kooxda kadib markii uu ku fashilmay Mbappe oo xagaagii ka yimid PSG.