Lionel Messi ayaa farriin gaara u diray Rodri ka dib markii xiddiga Manchester City uu ku guuleystay Ballon d’Or 2024.
Rodri ayaa helay Ballon d’Or-kiisii ugu horreeyay Isniintii, iyadoo xiddiga Real Madrid, Vinicius Junior uu galay kaalinta labaad, halka Jude Bellingham uu kasbaday kaalinta saddexaad.
Warbaahinta ciyaaraha ayaa si weyn u saadaaliyay in Vinicius uu ku guuleysan doono abaalmarintan maalmo ka hor xafladda abaalmarinta, iyadoo wargeyska Isbaanishka ah ee Marca xitaa hore u sheegay in taasi ay xaqiiqo tahay kadib sahan ay sameeyeen.
Sida lagu sheegay akoonka Twitter ee @RealTolmie, Messi ayaa Rodri u diray farriin gaar ah si uu ugu hambalyeeyo guushiisa waxyar ka dib markii xiddigga khadka dhexe uu xusay Messi intii ay socotay khudbadiisa aqbalaadda.
Qoraalka Messi Uu U diray Rodri Ayaa U muuqday Mid Hambalyo ah sida ku cad halkan hoose
Labada ciyaaryahan ayaa horraan iska hor imaaday ayagoo metelaya Barcelona iyo Atletico Madrid,sidoo kale heer caalami iyagoo wakiil ka ah Spain iyo Argentina.
Rodri ayaa amaanay Messi intii uu khudbadiisa ku jiray, isagoo sheegay in uu yahay “Qofka uu ku daydo” isla markaana uu “hoggaaminayay abaalmarintan muddo dheer.”