Hooyada dhashay xiddiga reer England ee Phil Foden ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaanay booliska u sheegtay hadal layaab lahaa oo ah in ay jeceshay in ay xayawaanka ku ciyaarto oo ay laagto marka ay khamriga cabbayso.
Claire Rowlands oo ah 44 jir ayaa sikhraantay iyadoo ku sugan goob khamriga laga cabbo, waxaanay u dhaqantay si aan habboonayn, iyadoo maxkamadda horteeda ka sheegtay ‘inay sida xayawaanka oo kale noqoto marka ay khamriga cabto’.
Rowlands ayaa waxa ay casuumad u fidisay saaxiibbadeed, iyadoo ku labbisan dharka ciyaartoyda, waxaanay isku dhaceen wiil magaalada Towyn ee Woqooyiga Wales bishii September, halka ay sidoo kalena booliska u hoggaansami weyday oo ay u gacan qaadday.
Hal habeen ayay xabsiga u hoyatay, waxaana markii maxkamadda la horkeenay ay tidhi: “Laad ayaan la dhacay saraakiisha booliska, waxaan moodayey sidii aan garoon ku jiro oo kale. Waan katiinadaysnaa habeenkaas oo waxa aan ku jiray jeelka.”
Haweenaydan tamashlaha ay samaysay uu sababta u noqday in jeelka loo taxaabo ayaa waxa guriga u jooga wiil curyaan ah oo u baahan in 24ka saacadood ay xannaanayso.