Xilli ciyaareedka horyaalka La Liga ayaa gabagabo ku dhow iyadoo Real Madrid ay qarka u saaran tahay ku guuleysiga horyaalka ka dib guushii ay xalay ka gaareen Barcelona.
Los Blancos waxay haatan 11 dhibcood ka sareysaa Barcelona oo kaalinta labaad ku jirta iyadoo lix kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka.
Real Madrid waxay u baahan tahay kaliya inay todoba dhibcood ka hesho lixda kulan ee u harsan si ay ugu guuleysato horyaalka La Liga.
Madrid waxay sidoo kale dhanka farqiga goolasha ka fiican tahay Barcelona halka ay 13 dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Girona.
Atletico Madrid oo kaalinta afaraad ku jirta xisaab ahaan wax kasta oo dhaca ma noqon karto kooxda ku guuleysata horyaalka.
Booska kaalinta labaad ayaase si adag loogu tartamayaa iyadoo ay ku xiran tahay u soo bixitaanka koobka Spanish Super Cup, waxaana ku tartamaya Girona iyo Barcelona oo isku harsan.
Real Madrid haddii ay ka badiso Real Sociedad iyo Cadiz, markaas waxay horyaalka ku guuleysan doontaa kulanka Granada ee 12ka May haddii ay dhibic ka helaan.
Laakiin haddii Barcelona ay dhibco dhumiso kulamada soo socda ee Valencia iyo Girona markaas Real Madrid waxay horyaalka ku guuleysan kartaa ka hor kulanka Cadiz ee 4ta bisha May.
Waxayna taasi fursad u siin doontaa inay awoodooda isagu geeyaan semi-finalka Champions League oo ay la balansan yihiin Bayern Munich.