Xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United, Antony, ayaa loo sheegay in “dabeecaddiisa nacasnimada ah” ay fashilisay heshiis uu ugu biiri lahaa Liverpool.
24-jirka reer Brazil, oo Manchester United ugu soo biiray aduun dhan £82 milyan sanadkii 2022, ayaa ilaa haatan ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho kooxda. Antony wuxuu ka yimid Ajax markii uu tababare Erik ten Hag, oo hadda ka tagay shaqada United, uu soo qaatay. Mustaqbalkiisa Old Trafford ayaa hadda shaki la gelinayaa.
Tani waxay calaamad u tahay hoos u dhac ku yimid ciyaaryahan markii hore loo aqoonsaday mid ka mid ah xirfadlayaashii loogu doonista badnaa Yurub saddex xilli ciyaareed ka hor. Intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021/22, xirfaddiisa iyo goolasha uu dhaliyay ayaa ka dhigtay inuu noqdo bartilmaameed weyn oo kooxaha sida Manchester United, Liverpool, Chelsea, Barcelona, iyo PSG ay daneynayeen.
Ugu dambeyntii, United ayaa ku guuleysatay inay lasoo wareegto Antony – laakiin wax walba si ka duwan ayay noqon lahaayeen haddii Mohamed Salah uu Anfield ka tagi lahaa xagaagii hore. Wargeyska The Times ayaa sheegay in tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, uu Antony u arkayay beddelka suurtogalka ah ee xiddiga Masar, Salah, kaasoo markaas ku jiray sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa oo aan wali go’aansan inuu kordhiyo.