Halyeyga reer England ee David Beckham ayaa farriin afar xaraf ka kooban u diray xiddiga reer England ee Jude Bellingham kaddib markii uu kiooxdiisa Real Madrid kula guuleystay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.
Los Blancos ayaa xalay qaadday horyaalkeedii 36aad, iyadoo fiidkii kaga badisay 3-0 oo ay goolasha u kala dhaliyeen Brahim Diaz, Jude Bellingham iyo Joselu, waxaana caawisay guushii ay Girona ka gaadhay Barcelona oo sababtay in kooxda kaalinta labaad ku jirta ay Real Madrid ka horreyso 13 dhibcood iyadoo horyaalkana ay afar ciyaarood ka hadhsan yihiin.
Jude Bellingham oo xagaagii ay Real Madrid kasoo iibsatay Borussia Dortmund ayaa u dhaliyey 18 gool oo horyaalka ah, waana ciyaartoyga kooxdiisa ugu goolasha badan, inkasta oo dhinaca abaal-marinta kabta dahabka ah uu laba gool ka dambeeyo Dubravka oo hoggaanka haya.
David Beckham oo Real Madrid u wareegay sannadkii 2003 isaga oo waqtigaas ka tegay Manchester United oo ay isku dhaceen tababarihiisii Sir Alex Ferguson, isla markaana kula guuleystay horyaalka LaLiga intii uu joogay Madrid, ayaa waxa uu farriin saddex erey ah u diray Jude Bellingham iyo kooxdiisa Real Madrid.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa ayuu Jude Bellingham ku yidhi: “Waxa aanu nahay horyaalka Spain. Hala Madrid.”
Laakiin David Beckham ayaa qoraal ugu jawaabay, waxaana uu ku yidhi: “Hambalyo saaxiib. Waxa aad tihiin Champion”.