Ademola Lookman waxa uu ku dhashay dalka Ingariiska sannadii 1997kii, waa ciyaar ahan cajiib ah, laakiin magaciisa waxaa dib loo bartay kulankii xalay ee finalka Europa League ee uu qalbada jabiyay Bayer Leverkusen.
Seddexleydii uu dhaliyay ayaa noqotay mid taariikhda gashay, waa markii ugu horeysay abid ee finalka Europa League seddexleey laga dhaliyo isagoo koobka ku hogaamiyay kooxda Talyaaniga ee Atalanta islamarkaana jabiyay rikoodhkii guuldarro la’aanta ee Xabi Alonso..
Waxa uu xilli ciyaareedkan wacdarro ka dhigay horyaalka Serie A isagoo bishii Janaayo seddex kulan oo isku xigta dhaliyay min labo gool oo ay ku jirtay kulan ay barbaro 3-3 la galeen Juventus.
Leverkusen kaliya qalbiga kama jabinin Lookman sidoo kale wuxuu qalbi jabiyay xulka Ingariiska. Sannadii 2017kii wuxuu xulka England ee U20 ku hogaamiyay hanashada Koobka Adduunka ee da’ yarta.
Wuxuu sidoo kale u soo dheelay dhamaan xulalka juunyeerka ee Ingariiska, balse markii ay aheyd inuu ku biiro xulka waa weyn ee Ingariiska wuxuu ka doortay xulka waalidkiis ay ka soo jeedaan ee Nigeria.
Wuxuu durba 21 kulan u saftay Nigeria isagoo u dhaliyay lix gool.
“Waalidkeey ayaa ka soo jeeda Nigeria, markii aan yaraana halkaas wax badan ayaan tagay… laakiin go’aan adag ayay aheyd” ayuu yiri Lookman ka hor inta uusan kulankiisii ugu horeysay u safanin Super Eagles.
Lookman waxaa lagu xusuustaa inuu shabaqa soo taabtay kulankiisii ugu horeysay Everton ee horyaalka Premier League iyo kulankiisii ugu horeysay Bundesliga ee uu u ciyaaray RB Leipzig. Si la mid ah ayuu sameeyay markii uu tagay horyaalka Serie A iyo kooxda Atalanta.
Wuxuu kooxda Talyaaniga ku biiray xagaagii 2022kii isagoo lagu iibsaday kaliya sagaal milyan euro, waxa uu dhaliyay shan gool 11 kulan uu ciyaaray koobka Europa League ee uu xalay u qaaday Atalanta.
Waxaa xusid mudan in shantii xilli ciyaareed ee uu joogay Premier League inuu dhaliyay kaliya 11 gool, laakiin markii uu tagay horyaalka Serie A wuxuu durbadiiba ku biiray tartanka gooldhalinta horyaalka Serie A isagoo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay dhaliyay 13 gool 31 kulan uu saftay.