Rúben Amorim ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu noqdo mid dhoola cadeyn badan markasta isaga oo waliba isku diyaarinaya kulankiisii ugu horeeyay ee Man United.
Tababaraha Portugal waxa uu bedelay Erik ten Hag oo ahaa macalinkii Old Trafford laga ceyriyay.
Waa macalinkii labaad ee u dhashay dalka Portugal ee Man Utd loo magcaabo kadib Jose Mourinho oo xilkaasi hayay intii u dhaxeysay 2016 iyo 2018.
Waxaa cajiib ah Amorim wuxuu la dhaqan yahay Mourinho markii uu Premier League kasoo muuqday 2003, isagoo ka yimid Portugal oo waliba dhalinyaro ah.
Waqti ka dib, Mourinho wuxuu isku neynaasay ” kii gaarka ah” shirkii jaraa’id ee ugu horeeyay ee uu kula wareegay shaqada tababare ee kooxda Chelsea.
Si kastaba ha ahaatee, ka hor kulanka United Premier League ku wajahayaan Ipswich caawa, Amorim wuxuu qaatay muujiyay calaamado la mid an Mourinho bilowgiisii.
Waxaan noqon karnaa kuwa dhoola cadeynaya markasta laakiin marka aan helno shaqo ka duwan tii hore waxaan noqon karnaa qof ka duwan qofkii hore,” ayuu yiri.
“Waxaan noqon doonaa ninka ugu fiican ee aad shaqo ahaan aragtaan, laakiin haddii aan kaliya naftayda ka fakirayo waxaan noqon doonaa qof kale oo ka duwan kan dhoolacadeynaya markasta “ayuu yiri tababaraja cusub ee Man Utd.