Sir Alex Ferguson ayaa laga mamnuucay inuu galo qolka labiska ee Manchester United, taas oo ah go’aan kale oo uu qaatay Sir Jim Ratcliffe. Milkiilaha INEOS ayaa sameynaya isbedello waaweyn oo ku saabsan kooxda tan iyo markii uu yimid, isagoo isku dayaya inuu dib u habeeyo kooxda, garoonka iyo maamulka.
Go’aankan cusub ayaa imaanaya ka dib markii Ratcliffe uu meesha ka saaray doorkii Ferguson ee ahaa safiirka caalamiga ah ee kooxda.Shaqadan ayuu Ferguson hayay tan iyo markii uu ka fariistay tababarenimada, taas oo uu ku qaadan jiray ku dhawaad £2m sanadkii. Inkastoo Ferguson weli lagu soo dhaweynayo kooxda, haddana waxaa lagu wargeliyay in doorkaas laga qaaday.
Wargeyska The Times ayaa sheegay in Ferguson iyo xubnaha kale ee guddiga kooxda aanan hadda kadib loo ogolaan doonin inay galaan qolka labiska ee ciyaartooyda United. Tani waxay jabinaysaa dhaqankii soo jireenka ahaa oo ka jiray Old Trafford tan iyo xilligii Sir Matt Busby.
Go’aankaan ayaa laga yaabaa inuusan si wanaagsan u qaban qaar ka mid ah halyeeyada Manchester United, sida Eric Cantona oo horay dhaleeceyn xoogan ugu jeediyay Ratcliffe.