Qoyska Angel di Maria ayaa lagu soo waramayaa in loogu hanjabay in la dili doono hadii laacibku uu ku laabto magaalada Rosario ee dalka Argentina.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, oo 36 jir ah, ayaa ka tagay magaaladiisii ka dib markii uu 36 kulan u ciyaaray Rosario Central 2007dii markaasoo uu u saxiixay Benfica, ka hor inta uusan u ciyaarin Real Madrid, Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Juventus.
Di Maria, oo dib ugu biiray Benfica xagaagii, ayaa u saftay 137 kulan, 29 goolna u dhaliyay xulka Argentina isagoo ka caawiyay ku guuleysiga Koobkii Adduunka ee 2022kii markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii finalka.
Si kastaba ha ahaatee in kasta oo dalkiisa halyeey ka yahay, hadana qoyskiisa waxay dhibanayaan u noqdeen hanjabaad dil ah.
Sida ay sheegtay Mdzol.com, warqad ayaa lagu tuuray mid ka mid ah waddooyinka laga soo galo xaafadda gaarka ah ee Miraflores subaxnimadii Isniinta.
Waraaqda oo la sheegay in laga soo tuuray baabuur saacadu markay ahayd 2:30 subaxnimo ayaa u qornayd sidan: “U sheeg wiilkaaga Angel Di Maria inuusan mar kale ku soo laaban Rosario haddii kale waxaan dili doonaa xubin qoyska ka mid ah.
“Xitaa Pullaro kuma badbaadin doono, warqadaha iska soo tuurno. Waxaan tuurnaa rasaas iyo dad dhintay.”
“Pullaro” waxaa loola jeedaa Maximiliano Pullaro, Guddoomiyaha Gobolka Santa Fe.
Warqadan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska, waxaana ay hadda bilaabeen baaritaan inkastoo aan wali la ogeyn sababta loo beegsaday ciyaaryahankan.