Laacibkii hore ee Liverpool Thiago Alcantara ayaa go’aansaday inuu isaga fariisto ciyaaraha kubadda cagta
Thiago Alcantara ayaa ku dhawaaqaya inuu ka fariistay ciyaaraha kubada cagta ka dib markii uu ka tagay Liverpool dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Thiago ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Barcelona wuxuuna u dhaqaaqay Bayern Munich sanadkii 2013kii.
Ka dib toddobo sano oo uu joogay Allianz Arena, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku biiray Liverpool 2020kii.
Si kastaba ha ahaatee, xirfadiisa ciyaareed ee Anfield waxaa xaddiday dhaawacyo waxaana uu saftay kaliya hal kulan 2023/24.
Waxaa lagu dhawaaqay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore in Thiago uu ka tagayo Liverpool ka dib afar xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Anfield, isagoo 33 jir ah, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa gaaray go’aanka ka fariisashada kubada cagta.
Ciyaaryahankii hore ee Barca,Bayern,Liverpool iyo Spain ayaa qaatay go’aankiisa.
Xiddiga ayaana lagu xasuusan doona Baaskiisa sixirka aha iy9 kubad sameyntiisa quruxda badneed.