Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay “wadahadal joogto ah” la leedahay Paris Saint-Germain oo ku saabsan u dhaqaaqista Manuel Ugarte laakiin ilaa hadda ma aysan awoodin inay heshiis la gaarto kooxda heysata horyaalka Faransiiska.
Ugarte ayaa la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedka khadka dhexe ee kooxda Ingariiska xagaagan, xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa la sheegay inuu mar hore heshiis shaqsi ah la gaaray Red Devils.
Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaan weli ku heshiinin qiimaha ay kula soo wareegayaan kooxda Luis Enrique, iyadoo wadahadalada labada kooxood ay sii socdaan.
Waxaa jira xiriiro u dhexeeya Man United iyo PSG tan iyo bishii June, ma ahan dalabyo rasmi ah oo la aqbalay ama la diiday , waa wadahadal joogto ah oo u dhexeeya kooxaha.
Ugarte waxa uu ku sii jiraa liiska Man United waxa uu yidhi haa todobaadkii hore, marka hadda waxa ay ku xidhan tahay Manchester United.
Laakiin sidaan hore u sheegnay, had iyo jeer waxay qaadan doontaa maalmo si loo go’aansado ka dib markii ay lacag badan ku bixiyeen Leny Yoro.”
Ugarte ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulkiisa Uruguay Copa America ee xagaagan, waxaana uu sidoo kale u ciyaaray Sporting ka hor inta uusan u dhaqaaqin caasimada France.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku adkeyd inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii hore, lakiin shaki kuma jiro tayadiisa, waxaana uu noqon karaa mid ku haboon Premier league.