Waligaa ma ku fekertay in garsooraha uu ka soo horjeeda? Hadaba kooxda SV De Valken ayaa si cad u aragtay in garsooraha uu ka soo horjeedo.
Todobaadkan kooxda SV De Valken ayaa la ciyaareysay St, George oo ay kawada tirsan yihiin horyaalka heerka afaraad ee Holland. Kulankaas ayaana noqday mid dunida oo dhan laga hadal hayo ka dib wixii uu sameeyay garsoore Jan Smit.
Garsoore Smit oo 61 sanno jir ah ayaa dhexdhexaadinayay kulankaas, waxaana haatan inta noloshiisa ka dhiman laga mamnuucay kubada cagta.
Smith ayaa casaan siiyay seddex ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda De Valken, wuxuu sidoo kale casaan siiyay xubin ka tirsna shaqaalahooda tababarka, isagoo ciyaarta ku daray 15 daqiiqo oo dheeri ah.
St. George ayaa hogaanka laga hayay ka hor dhamaadkii ciyaarta, laakiin madaama uu garsooraha 15 daqiiqo ku daray waxay awood u yeesheen inay barbareeyaan taasoo ugu filneyd inay horyaalka qaadaan.
Laakiin garsooraha halkaas kuma ekaan, waxaa soo baxay muuqaal isagoo la dabaaldegaya ciyaartoyda kooxda St.George islamarkaana kor u qaadaya koobka horyaalka ee uu isagu gacanta u geliyay. Waxaa uu sidoo kale masrixii dabaaldege uu ka qaaday hees caan u ah kooxda.
Waqti dheer kuma qaadanin xiriirka kubada cagta Holland inay go’aan ka gaaraan garsoorahaan iyagoo inta noloshiisa ka harsan ka mamnuucay kubada cagta.