Wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo uu xagaagan Club World Cup-ka uu u ciyaari doono Inter Miami isla markaana uu garab istaagi doono Lionel Messi ayaa la beeniyay.
Toddobaadkan, warar soo baxay ayaa sheegayay in xiddiga Al-Nassr, Ronaldo, uu heshiis gaaban ugu biiri karo Miami marka uu dhammaado qandaraaskiisa kooxda Sacuudiga dhamaadka Xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, weriyaha suuqgeynta ciyaartoyda Fabrizio Romano ayaa sheegay in waxba ka jirin sheekadan, isagoo tilmaamay in wararka la xiriira inay Ronaldo iyo Messi isku kooxda noqon doonaan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Ronaldo wuxuu galay bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Al-Nassr, balse waxa la filayaa inuu sii joogo Bariga Dhexe halkii uu ugu biiri lahaa kooxda Messi ee Miami.
Tan iyo markii uu Ronaldo ka tagay Manchester United una wareegay Al-Nassr sanadkii 2023, 40-jirkan ayaa dhaliyay 86 gool isagoo sidoo kale caawiyay 19 gool, kaddib 97 kulan oo uu u saftay kooxda Sacuudiga.
Dhanka kale, Messi ayaa la yimid 38 gool iyo 20 caawin kaddib 44 kulan oo uu u saftay Inter Miami tan iyo markii uu kaga soo biiray Paris Saint-Germain.