Arsenal ayaa weli raadinaysa daafaca Riccardo Calafiori iyadoo Gunners aysan wali dalab qancinin Bologna ay ka gudbisay.
Dhibaatada waxay ka taagan tahay Arsenal oo ku badatay qiimaha yar ee uu ku fadhiyo daafaca Talyaaniga.
Kooxaha Arsenal iyo Bologna ayaa wadahadalo u socda weli laakiin ilaa hadda kuma guulaysan inay heshiis ka gaadhaan Calafiori oo Qiimihiisu yahay 42 milyan oo gini.
Bologna ayaa lagu soo waramayaa inay rabto lacag la dammaanad qaaday, halka Arsenal ay ka go’an tahay inay bixiso Qiimo yar.
Kooxo dhowr ah oo ka dhisan Talyaaniga ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan Calafiori, kaasoo xilli ciyaareed cajiib ah kusoo qaatay kooxdiisa iyo Qarankiisa Italy, isagoo Bologna ka caawiyay inay ku dhameystaan kaalinta shanaad ee horyaalka islamarkaana ay u soo baxaan Champions League markii ugu horeysay abid.
Daafaca dhexe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo boos ka helay kow iyo tobanka ciyaaryahan ee Italy ee u ciyaaray Euro, halkaas oo uu qaab ciyaareed fiican kusoo bandhigay.
Inkastoo dhowr kooxood oo Serie A ka dhisan ay sheegeen inay xiiseynayaan Calafiori, agaasimaha farsamada ee Bologna Giovanni Sartori ayaa xaqiijiyay in 22 jirkaan aysan u badneyn inuu sii joogo Talyaaniga wixii ka dambeeya xagaaga sababtoo ah ‘wuxuu aadi doonaa suuq kale’.
Ka dib markii ay ku dhawaaqeen in goolhaye David Raya uu heshiis rasmi ah u saxiixay, Arsenal ayaa hadda la filayaa in ay diirada ay saarto saxiixyada cusub.