Ruben Amorim ayaa wax cajiib ah kusoo bandhigay tababarkiisii ugu horeeyay isagoo ah tababaraha Manchester United.
Kaamirooyinku waxay joogeen xerada Carrington si ay u qabtaan tababaraha Portuguese-ka oo kula kulmay koox ciyaartoy ah xarunta tababarka,
Tiro badan oo ciyaartooyda koowaad kamid ah ayaa ka maqnaa tababarkii ugu horeeyay macalinka Portugal uu bixiyay, iyadoo fasaxa caalamiga ahi weli lagu maqan yahay.
Ciyaarta ugu horeysa Amorim ayaa wuxuu ku wajihi doonaa Ipswich Town axada Premier League kukan ka dhacaya garoonka Portman Road.
Kobbie Mainoo ayaa dib ugu soo laabtay taam ahaanshihiisa kooxda, ka dib dhaawacii ka soo gaaray kulankii Aston Villa bishii October, halka Amad uu sidoo kale ka qeyb qaatay tababarkii maanta ka dib markii uu seegay ciyaaraha caalamiga ah ee Ivory Coast sabab la xiriirta jug ka soo gaartay kulankii Leicester City.
Daafacyada Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Leny Yoro ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa tababarka, iyagoo si rasmi ah kaga soo laabtay dhaawacii ay mudada dheer la maqnaayeen.
Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof ayaa labaduba ku soo laabtay Carrington usbuucan si dhaaawacooda loo qiimeeyo ka dib markii ay ka soo tageen xulalka Argentina iyo Sweden.
Iyadoo kaliya 10 ciyaartooy oo ka tirsan kooxda koowaad ay soo xaadireen tababarka maanta, waxaa la sugaya in tiro kale ay kusoo biiraan maalmaha soo socda.
Amorim ayaa heli doona fursad uu kula shaqeeyo ciyaartoyda oo dhameystiran kadib ciyaaraha caalamiga ah dhamaadka isbuucaan.