Toni Kroos ayaa ka carooday go’aankii RB Leipzig ee ‘ixtiraam darada ahaa’ intii lagu jiray kulankiiChampions League.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda martida loo ahaa gool looga diiday offside iyadoo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta ayuu xiddiga Madrid Brahim Diaz u dhaliyay gool cajiib ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay kooxdiisu hogaanka ku haysay.
Goolkii uu dhaliyay Diaz ayaa noqday goolkii guusha iyada oo Real Madrid ay Bernabeu kula laabaneyso guul ciriiri ah.
Intii lagu guda jiray qeybtii labaad, waxaa dhacday arin aad uga careysiisay Toni Kroos.
Ka dib markii uu Brahim Diaz dhaawacmay, Leipzig ayaa diiday inay ciyaarta joojiso iyagoo kubada sii ciyaaray taasoo keentay in goolhaye Andriy Lunin uu fursad halis ah ka beeniyo Benjamin Sesko.
Kubada ay weerarka ku qaaday Leipzig waxaa ka joogsaday Brahim Diaz oo dhaawacmay laakiin kooxda Jarmalka ma aysan ixtiraamin ciyaar wanaaga oo ma aysan joojinin ciyaarta.
Waxay taasi keentay in Toni Kroos uu la dagaalo qaar ka mid ah xiddigaha Leipzig iyadoo la arkayay isagoo riixaya xiddiga khadka dhexe Amadou Haidara, waxaana ka qabtay garsooraha.
Baraha bulshada ayaa looga falceliyay sida weyn ee uu Toni Kroos u carooday xalay, taageere ayaa soo qoray: “Wax laga xishoodo ayay aheyd inay Leipzig kubada sii ciyaarta markii ay arkeen in Brahim Diaz uu muruqa booday. Brahim isagaa kubada heystay wuuna istiaagay. La yaab ma leh, xitaa ciyaaryahan aan dareen laheyn Toni Kroos ayaa ka xanaaqay.”
Mid kale ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Weligay ma arkin Toni Kroos oo sidaan u careysan.”
Taageere saddexaad ayaa ku daray: “Tani waa markii iigu horreysay oo aan arko Toni Kroos oo careysan.”