Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in PSG aysan dooneyn inay wax ka badan 100 milyan oo euro ah ku qarashgareyso saxiixa xiddiga Napoli ee Victor Osimhen.
Osimhen ayaa la filayaa inuu ka tago Napoli xagaagan, laakin Naadiga ayaa wali sugeysa koox bixinaysa 130 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiishka weeraryahanka.
PSG ayaa laga yaabaa inay bixiso 100 milyan oo euro dhawaan, laakin waxay heshiiska kala qeyb dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoydeeda.
PSG ayaa diyaar u ah inay Napoli u ogolaato inay kala doorato seddex ka mid ah ciyaartoydeeda oo ka qeyb noqonaya heshiiiska Osimhen.
Madaxweynaha Napoli De Laurentis ayaa ka go’an inuu Osimhen ku iibiyo ku dhawaad 130 milyan oo euro ah.
Napoli ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Osimhen oo ay ku beddesho Romelu Lukaku, sidaas darteed waxay rajeynayaan inay heshiis ka gaaraan tobanka maalmood ee soo socda, ka hor qeybta labaad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.