Xiriirka Kubadda Cagta England (FA) ayaa xaqiijiyay in Mason Greenwood uu go’aansaday inuu beddelo daacadnimadii uu ugu dhaartay xulka england.wuxuu go’aansaday inuu matalo xulka qaranka Jamaica halkii uu England u ciyaari lahaa.
Greenwood ayaa isku dayaya inuu dib u soo nooleeyo xirfaddiisa ciyaareed asagoo jooga kooxda Marseille kadib markii uu ka tagay Manchester United sanadkii hore, isagoo laga joojiyay ciyaaraha kadib markii lagu soo oogay dacwooyin la xiriira isku day kufsi, jirdil sababay dhaawac jireed oo daran iyo dabeecado xakamayn oo cabsi gelin ah saddex sano ka hor.
Dacwooyinkii loo haystay ayaa la laalay kadib markii markhaatiyaal muhiim ah ay ka laabteen markhaatiga kadib markii la sheegay in “caddeymo cusub soo baxay ay ka dhigeen inaanay jirin rajo dhab ah oo dacwad lagu soo oogi karo.”
Greenwood oo 23 jir ah ayaa kaliya hal kulan u saftay xulka England — bishii Sebtember 2020 — waxaana tababarihii hore ee xulka, Gareth Southgate, uu meesha ka saaray suurtagalnimada inuu dib ugu yeero kadib markii dacwooyinkii laga tirtiray.
Thomas Tuchel ayaa la filayaa inuu magacaabo kooxdiisa ugu horreysa ee xulka England 14-ka Maarso, balse Greenwood lama tixgelin doono maadaama uu dhammaystirayo is-diiwaangelinta uu ugu wareegayo Jamaica, oo ah dalka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo aabihii.
Isagoo ka hadlayay daahfurka istaraatiijiyadda FA-da ee sanadaha 2024-28, madaxa fulinta FA-da, Mark Bullingham ayaa yiri: “Sida aan fahansan-nahay, wuxuu codsaday inuu beddelo daacadnimadiisa. Taasina waxay u dhacday si rasmi ah, sidaas darteed ma awoodi doono [inuu u ciyaaro England mustaqbalka] sababtoo ah waxaad beddelan kartaa kaliya hal mar qarankaaga”