Enzo Maresca ayaa si arxan darro ah ula hadlay Raheem Sterling iyo Ben Chilwell xilli labada xiddig mustaqbalkoda Stamford Bridge aan sugneen.
Maamulaha Chelsea muhiim uma arko in ka badan 15 ciyaaryahan oo ay ku jiraan weeraryahanka Sterling iyo daafaca bidix Chilwell, kuwaasi oo haatan kooxda dibad joog ka ah.
Maresca wuxuu sheegay in Chelsea ay u egtahay “mid qasan, iyagoo isku dayaya inay kala dhiman kooxda buux dhaafsan, laakiin wuxuu ku adkaystay inay taasi xaqiiqada ka fog tahay.
Waxa uu sidoo kale dafiray inay jirto baahi dheeraad ah oo loo qabo caddaynta xaaladda Sterling.
Maresca ayaa sheegay inuu la hadlay Sterling ka hor inta uusan ka tagin shaxdii ay Chelsea guuldarada 2-0 ah ka soo gaartay Manchester City Axadii.
Maresca Ma filayo inuu wadahadalo dheeraad ah la yeesho Sterling ka hor kulanka isreebreebka ee Servette ee tartanka Conference League.
Wakiilada ciyaaryahanka ayaa sheegay in Sterling uu filayay inuu ku lug lahaado kulankii City, taasoo keentay in Maresca lagu weydiiyo shirkii jaraa’id ee maanta sida uu u maareeyay xaaladda Sterling.
Sterling ayaa 81 kulan u saftay Chelsea tan iyo markii uu 50 milyan ginni kaga soo biiray Manchester City bishii July 2022kii.
Sterling iyo Chilwell ayaa ka mid ah ciyaartoy badan oo hadda loo arko inay dheeri ku yihiin shuruudaha Stamford Bridge waxaana laga yaabaa in la iibiyo ka hor maalinta ugu dambaysa.