Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa si weyn uga carooday guuldarro lama filaan ah oo kooxdiisa koowaad kala kulantay kooxda da’yarta U21, taasoo keentay inuu kansalo maalintii fasaxa ee la qorsheeyay.
Sida ay warisay The Athletic, Maresca wuxuu qorsheeyay in ciyaartoydiisa ay fasax ku maqnaadaan Khamiista (Maarso 27), balse wuu ka noqday fikraddaas kaddib markii kooxdiisa koowaad, oo ka koobnayd ciyaartoy aan xulalkooda matalin iyo laacibiinta ugu sarreeya akadeemiyada, ay si xun ugu jabeen da’yarta kooxda.
Inkasta oo uusan aheyn kulan dhameystiran oo 90 daqiiqo ah, haddana qaabka ay U21 ugu awood sheegteen kooxda waaweyn ayaa ka careysiisay tababaraha reer Talyaani. Wararka ayaa sheegaya in da’yarta xitaa ay ka faa’iideysteen ciyaartoyda U16, iyadoo Donnell McNeilly uu labo gool u dhaliyay kooxda da’ yarta.
Chelsea waxay xilli ciyaareedkan si adag ugu tartameysay horyaalka Premier League dhamaadkii sanadkii hore, balse hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkooda ayaa sababay inay hadda dagaal ugu jiraan u-qalanka Champions League, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo mustaqbalka Maresca. Si kastaba ha ahaatee, ficilkiisa wuxuu muujinayaa inuu doonayo inuu sare u qaado heerka tartanka iyo anshaxa ciyaartoydiisa.
Tababarihii hore ee Leicester City wuxuu rajeynayaa in ciyaartoydiisu si weyn isu horumariyaan marka ay wajahayaan Tottenham khamiista soo socota kulan ka tirsan Premier League.