Xiddiga Man United ee Marcus Rashford ayaa baraha bulshada kula wadaagay taageerayaasha fariin ah inuu si adag u shaqeeyo ka dib markii lagu dhaleeceeyay inuu ka qeyb galay ciyaar kubbadda koleyga ah.
27-sano jirkaan ayaa dhalaceyn kala kulmay taageerayaasha Instagram ka dib markii uu soo dhigay sawirro isaga oo ka qeyb galaya ciyaar kubbadda koleyga oo ka dhaceysay New York halkii uu sii joogi lahaa xerada tababarka ee Carrington.
Rashford waxa uu haystaa waqti fasax ah kadib markii uu boos ka waayay xulka Lee Carsley ee England ee loosoo xulay kulamada UEFA Nations League ee Greece iyo Republic of Ireland.
Muddo ayaa laga joogaa tan iyo markii ninka garabka ka ciyaara uu matalay dalkiisa, isagoo markii ugu dambeysay saftay 15-daqiiqo ciyaartii saasaaxiibtini oo Brazil 1-0 ku garaaceen England 4 bishii March.
Waxa ay u ahayd xilli ciyaareedkan mid niyad jab u leh Rashford, isagoo dhaliyay afar gool, caawiyayna saddex kale 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u muuqdaa inuu go’aansaday inuu iska dhaga tiro dhaleceynta taageerayaasha Old Trafford isagoo sawir uu aad u tababartay soo dhigay Instagram si uu u ogeysiiyo taageerayaasha inuu waqti kasta shaqeeyo.