Tababaraha Marseille, Roberto De Zerbi, ayaa ballanqaaday inuusan mar dambe tababare ka noqon doonin horyaalka France.
De Zerbi ayaa aad u carooday kaddib markii kooxdiisa looga badiyay 3-0 ciyaartii ay la yeesheen Auxerre ee Ligue 1.
Jubal ayaa laba gool u dhaliyay Auxerre, halka Gaetan Perrin uu isna shabaqa soo taabtay, taasoo keentay in Marseille ay la kulanto guuldarro lama filaan ah.
Natiijadan waxay Marseille ka dhigtay inay 10 dhibcood ka dambeyso hoggaamiyeyaasha horyaalka, Paris Saint-Germain.
Intii lagu jiray ciyaarta, Marseille waxaa casaan ka qaatay daafaceeda Derek Cornelius, kaddib markii uu helay digniintiisii labaad, taasoo ka careysiisay De Zerbi.
Tababaraha reer Talyaani ayaa weerar ku qaaday garsoorka horyaalka France, isagoo si adag u dhaliilay heerka go’aamada la qaadanayo.
Markii uu la hadlayay warbaahinta kaddib ciyaarta, De Zerbi wuxuu yiri:
“Waxaan ahay Talyaani, waxaana ballanqaadayaa in kaddib Marseille aanan mar dambe tababare ka noqon doonin France.
“Horyaalka France waxaa ka jiro dhibaato weyn. Haddii dadka reer France ay ku qanacsan yihiin heerka go’aan qaadashada horyaalkan, way u fiican tahay iyaga. Laakiin maanta waxaas waxay ahaayeen ceeb.
“Garsooruhu ma uusan u qalmin inuu ciyaartan dhex-dhexaadiyo sababo la xiriira murankii hareeyay isaga.”