Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xasuuq iyo bahdilaad kala soo kulantay Crystal Palace oo ay ku booqatay magaalada London, waxaana ay si rasmi ah u lumisay booskeedii kaalinta toddobaad oo hadda ay si buuxda ula wareegtay Chelsea oo garab ka heshay guusha Crystal Palace.
Crystal Palace ayaa 4-0 ku xasuuqday Manchester United oo si dhab ah u kala daadsanayd, isla markaana si weyn u tebaysay kabtankeeda Bruno Fernandes oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartan.
Laba qalad oo uu sameeyey Casemiro iyo liidashada Jonny Evans ayaa sababay goolasha ay Crystal Palace ku shubtay shabaqa goolhaye Andre Onana oo sidoo kale uu la baxsaday nasiibku markii kubbad la dhaafiyey ay birta kusoo dhacday.
Kubbad uu khadka dhexe ee garoonka kala soo dhaqaaqay Michail Olise ayaa waxa doontay Casemiro oo difaaca dhexe ka dheelayay, waxaana uu laacibkani usoo gooyey burburiyaha Brazil, kaddibna waxa uu la yimid xerada ganaaxa oo uu darbad xooggan oo uu ku hubsaday shabaqa daqiiqaddii 12aad.
Crystal Palace ayaa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxa hoggaanka usii dheereeyey Jean Mateta oo kubbad looga soo tuuray khadka dhexe usii gooyey Jonny Evans, kaddibna la galay xerada ganaaxa oo darbad lugta bidix ah birta agteeda ka sugay shabaqa iyadoo goolhaye Onana aanu helin fursad uu ku badbaadiyo.
Labadan gool ayaa ahaa kuwa qaybta hore niyadda ka dilay Manchester United, iyadoo difaac la’aan iyo khad dhexe la’aan isku darsatay, halka weerarkuna ay ahaayeen kuwo aan awoodin in ay xataa kubadda isku dhiibaan.
Erik ten Hag ayaa waqtigii nasashada aan waxba ka beddelin kooxdiisa, waxaana sidoo kale uu sixi kari waayey tilmaamaha qaladaadkii ay sameeyeen ciyaartoydiisu.
Crystal Palace ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad waxa ay sii wadatay weerarkeeda daadka ah ee ay ku haysay Manchester United, waxaanay keeneen goolka saddexaad oo uu u dhaliyey Tyrick Mitchell oo goolka hortiisa ka helay kubbad uu Dalot difaaci kari waayey, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 3-0.
Siddeed daqiiqadood kaddib ayuu Michael Olise kusoo noqday gool-dhalinta, waxaana kubbad qurux badan oo uu bannaanka ka toogtay uu goolka afraad ugu hadiyeeyey kooxdiisa.
Gool shanaad ayaa uu nasiibku ka joojiyey Manchester United, iyadoo kubbad uu Edouardo ka xoogay Casemiro uu ku toogtay goolka, waxaana ay kusoo dhacday birta iyadoo aanu Onana is-dhaqaajin, balse waxa ay kubaddu usoo noqotay dhinaca difaaca oo iska xaaray.
Khasaarahan weyn kaddib, Manchester United oo niyad-jabsan ayaa waxa ay Axadda la ciyaari doontaa Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka, waxaana la eegi doonaa waxa ay ka keenaan ciyaartaas.