Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay dhageysato dalabyada ay helayso inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, maadaama ay doonayso inay lacag urursato si ay ugu fududaato dib u dhiska kooxda uu hogaaminayo Ruben Amorim. Xiddiga garabka ka ciyaara ee Alejandro Garnacho ayaa ka mid ah ciyaartoyda laga yaabo in la iibiyo, maadaama ay jiraan shakiyo ku saabsan sida uu ugu habboon yahay nidaamka tababaraha reer Portugal ee 3-4-3.
Garnacho, oo 20 jir ah, wuxuu la kulmay dhaleeceyn tan iyo markii Erik ten Hag laga saaray shaqada bishii November, waxaana lagu eedeeyay inuusan wax badan ku soo kordhin dhinaca goolasha iyo caawinta. Wuxuu xilli ciyaareedkan dhaliyay 9 gool iyo 8 caawin isagoo ciyaaray 46 kulan, laakiin kaliya 6 kamid ah 17-kaas gool iyo caawin ayaa yimid tan iyo markii Amorim uu yimid.
Dabeecadda ciyaareed ee Garnacho waxay ku dhisan tahay orod dheer iyo in uu difaacyada gadaal ka soo galo, gaar ahaan marka kooxdu ku jirto weerarka degdegga ah. Laakiin nidaamka cusub ee Man United wuxuu isticmaalaa labo weeraryahan oo garbaha ka soo gala si ay taageero ugu noqdaan weeraryahanka dhexe, halka daafacyada garbaha ay bixiyaan fursadaha baalka.
Dhibaatada Garnacho ee ka qabsatay nidaamka tababaraha cusub waxay abuurtay shaki badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa tan iyo bishii Janaayo. Xilligaas, kooxo dhowr ah ayaa si weyn u xiiseynayay saxiixiisa.
Chelsea ayaa ka mid ahayd kooxihii isha ku hayay Garnacho, kaddib markii xiddigooda Mykhaylo Mudryk uu ku guuldareystay baaritaanka daroogada sanadkii hore, hase yeeshee dalab rasmi ah lagama soo gudbin.
Dhinaca kale, Napoli ayaa xiiseyneysay xiddigan, kaddib markii Khvicha Kvaratskhelia uu ku biiray Paris Saint-Germain bishii Janaayo heshiis gaaraya £59 milyan. Tababaraha Napoli Antonio Conte ayaa aad u doonayay inuu Garnacho keeno kooxdiisa, ilaa heer ay kooxda Serie A-da ah soo gudbisay dalab rasmi ah.