Manchester United ayaa cusboonaysiisay warbixinta ku saabsan mustaqbalka xiddigooda Amad Diallo, kaasoo qandaraaskiisa uu ku egyahay bisha Juun ee soo socota, iyadoo kooxda ay haysato ikhtiyaar ah inay hal sano oo dheeri ah ku kordhiso si uu kooxda u sii joogo ilaa 2026.
Tababaraha United, Ruben Amorim, ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan in xalka heshiiska Amad la heli doono. Wuxuu sheegay in kooxda ay si dhaqso leh u adeegsan doonto ikhtiyaarka kordhinta ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, taasoo ka hortagaysa in kooxaha kale ee Yurub ay heshiis hordhac ah la galaan wakiillada Amad.
“Waxaan filayaa in Manchester United ay heli doonto xal ku saabsan heshiiska Amad,” ayuu yiri Amorim.
Wuxuu xusay in xiddiga garabka ka ciyaara uu door muhiim ah ka qaatay kooxda xilli ciyaareedkan, isagoo ku soo bilowday 11 ka mid ah 21 kulan oo ay kooxda ciyaartay, isagoo si degdeg ah ugu dhex milmay safka koowaad ee kooxda.
Amad, oo Manchester United kaga soo biiray Atalanta bishii Oktoobar 2020, heshiis qiimihiisa ayaa ku kacay £37 milyan,wuxuu horay u sheegay inta lagu guda jiray xilli-ciyaareedkii hore inuu ku faraxsan yahay inuu noloshiisa ciyaareed ku dhammeysto Old Trafford.
Kooxda ayaa hadda ka shaqeyneysa inay sii xaqiijiso joogitaankiisa, iyadoo taageerayaashu ay rajeynayaan in heshiiska cusub lagu dhawaaqi doono goor dhow.