Kooxda kub adda cagta Manchester United ayaa ugu dambayntii heli doonta ciyaartoygii ay muddada dheer diiraddu u saarnayd, waxaanay kula soo wareegi karayaan lacag aad u hoosaysa oo ah €12 milyan oo Euro, balse shuruudda ku xidhan waa in ay bishan January si degdeg ah ugu dhaqaaqaan.
Manchester United oo ay u buuxsameen toban sannadood oo ay ka qatan tahay horyaalka Premier League, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo badan, laakiin waxa hadda ay si fudud ku heli karayaan xiddig ay muddo dheer doonayeen oo sicirka cadayga ay kusoo qaadan karayaan.
Xiddiga reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa la sheegay, in Manchester United ay ka fiirsanayso inay ugu dambayntii soo xero-geliso, iyadoo sidoo kalena lala xidhiidhinayo Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham oo waqtiyo hore isku dayay inay la saxeexdaan.
Dybala oo ka mid ahaa ciyaartoyda loogu doonista badan yahay markii uu joogay Juventus oo 293 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 115 gool, ayaa waxa uu xagaagii 2022 si xor ah ugu wareegay AS Roma oo uu u saxeexay heshiis saddex sannadood ah, laakiin qandaraaskiisa ayaa waxa lagu daray qodob dhigaya in €12 milyan oo Euro lagu burburin karayo.
Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa sheegay, in qodobka cayimaya qiimaha lagu burburinayo qandaraaska Dybala in uu kaliya dhaqangal yahay inta u dhaxaysa January 1 illaa January 14 oo ah badhtamaha bishan, taas oo ka dhigan in kaliya 9 maalmood ka hadhsan yihiin xilligii qiimaha aadka u hooseeya lagu helayay.
Waxa uu mar kale qodobkani dib u shaqayn doonaa July 1 illaa July 31 oo ah suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.
Manchester United ayaa ah kooxda la rumaysan yahay in uu diiraddeeda saaran yahay ee aan wali ka hadhin damaceedii ahaa inay la saxeexato Dybala.