Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in Manchester United ay ku dhowdahay inay dhamaystirto saxiixa weeraryahanka reer Nigeria, Victor Osimhen, oo haatan amaah kula jooga kooxda Galatasaray kana tirsan Napoli. Sida laga soo xigtay warbixino kala duwan, United ayaa ogolaatay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo dhan €75 milyan.
Osimhen, oo 26 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkan bandhig cajiib ah sameeyay, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana caawiyay 5 gool 25 kulan oo uu u saftay Galatasaray tartamada oo dhan. Tani waxay ka dhigan tahay inuu sameeyay gool ama caawin 79 daqiiqo kasta.
Manchester United ayaa muddo dheer xiiseyneysay saxiixa Osimhen, iyadoo u aragta inuu yahay xalka weerarka kooxda. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ciyaaryahanku uu doonayo inuu ka ciyaaro Champions League, haddana Red Devils ayaa rajeyneysa inay ku qanciso inuu ku soo biiro Old Trafford.
Heshiiskan la filayo ayaa noqon doona mid ka mid ah kuwa ugu waa weyn suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana taageerayaasha United ay rajeynayaan in Osimhen uu la iman doono awood dheeri ah oo weerarka kooxda ah.