Kooxda kaalinta labaad ee Arsenal ayaa lagu qabtay barbaro 1-1 ah oo ay kala kulantay Manchester United garoonka Old Trafford, taasoo dharbaaxo ku ah rajadooda ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, ayaa dhaliyay goolka barbaraha qeybtii labaad ee ciyaarta, isagoo kansalay laad xor ah oo uu dhaliyay Bruno Fernandes. Si kastaba ha ahaatee, wiilasha Mikel Arteta ayaa ku guuldareystay inay guul gaaraan.
Arsenal ayaa haatan 15 dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Liverpool, balse waxay haystaan hal kulan oo baaqi ah, halka Manchester United ay ku jirto kaalinta 14-aad iyagoo leh 34 dhibcood.
Qeybtii hore ee ciyaarta ma aheyn mid soo jiidasho leh, iyadoo Arsenal ay maamuleysay kubadda balse aysan abuureyn fursado badan oo halis ah. Si lama filaan ah, Fernandes ayaa hoggaanka u dhiibay United daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta hore, isagoo si qurux badan u dhaliyay laad xor ah oo ka dul maray birta una gudbay shabaqa iyadoo goolhaye David Raya uu ku guuldareystay inuu badbaadiyo.
Qeybtii labaad ayaa aheyd mid aad u xiiso badan iyadoo labada kooxoodba ay heleen fursado dhowr ah. Ugu dambeyn, Rice ayaa ciyaarta barbaro ka dhigay daqiiqaddii 74-aad kadib markii uu helay bass qurux badan oo uu ka helay Jurrien Timber, isagoo meel ka baxsan xerada ganaaxa ku toogtay kubbad xoog leh oo uu shabaqa ku hubsaday isagoo ka adkaaday goolhaye Andre Onana.