Daafaca Manchester United Harry Maguire ayaa maqnaan doona dhowr isbuuc kadib dhaawacii soo gaaray kulankii Aston Villa.Maguire ayaa dhaawacmay intii lagu guda jiray kulankii barbaraha Manchester united ay la gashay kooxda Aston villa.Waxaana la saaray ciyaariyahanka waqtigii nasashada.
Waxaa la arkayay asagoo sita kabaha buutka ee dhaawaca, taasoo kor u qaaday welwelka ku aaddan inta uu maqnaan doono.
Maguire ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay isaga oo sheegay in uu niyad jabay balse uu balan qaadayo in uu soo laaban doona asaga oo sidiisii hore ka xoogan.
Maguire ayaa ciyaaray sagaal kulan xilli ciyaareedkan, waxaana uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda. Maqnaanshihiisa ayaa laga dareemi doonaa kooxda, gaar ahaan kulamada adag ee soo socda, oo uu ku jiro kulanka Brentford ee 19ka Oktoobar. Waxa ay sidoo kale saameyn ku yeelan kartaa rajadooda Champions League ga.
Dhaawaca Maguire ayaa sidoo kale walwal ku ah England. Waxaa laga saaray xulka qaranka ee ciyaari doona ciyaaraha Qaramada ee soo socda maadaama haatan uu dhaawac la dhibtoonayo.
Waxa uu horaan u seegay ka qayb galka koobkii Euro ga ee 2024 kadib dhaawac kubka ah.
Manchester United ayaa sugaysa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan soo kabashada ciyaariyahanka. Waxa uu diiradda saari doonaa sidii uu taam buuxda ugu noqon lahaa uguna soo laaban lahaa kooxda si uu uga caawiyo kulamada ka harsan horyaalka.