Man United Oo Dadaal Ugu Jirta Saxiixa Viktor Gyokeres Iyadoo Man City Ay Caqabad Ku Noqotay wadahadallada xiddiga.
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa u arka Viktor Gyokeres inuu yahay mid ka mid ah bartilmaameedyadiisa ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa wajahaysa dagaal adag si ay ula saxiixato xiddiga reer Sweden oo ka tirsan Sporting Lisbon, iyadoo Manchester City ay isku dayayso inay ka hoos bixiso United heshiiska laacibka.
Gyokeres ayaa si weyn loo hadal hayaa kaddib markii uu xilli ciyaareedkan dhaliyay 24 gool 21 kulan oo uu u saftay Sporting. Xilli ciyaareedkiisii hore, wuxuu shabaqa soo taabtay 43 jeer, taas oo kooxda ku hogaamisay hanashada horyaalka Primeira Liga.
Amorim, oo ahaa tababaraha keenay Gyokeres Portugal, ayaa hadda isku dayaya inuu markale helo weeraryahanka. Halka booska weerarka uu yahay midka ugu liita ee safka United, Amorim ayaa qorsheynaya inuu si degdeg ah wax uga qabto.
Wararka ka imanaya Sky Germany ayaa sheegaya in United ay la furtay xiddiga “wadahadallo horudhac ah” oo ay la yeelatay Sporting. Kooxda Old Trafford ayaa si weyn u xiiseyneysa saxiixa 26-jirkaas.
Si kastaba ha ahaatee, caqabad weyn ayaa ka imaaneysa dhinaca Manchester City, oo sidoo kale xiiseyneysa Gyokeres. Agaasimaha ciyaaraha ee City, Hugo Viana, ayaa la sheegay inuu aad ula dhacsan yahay xiddigan, iyadoo kooxda ay dooneyso beddelka Erling Haaland marka loo baahdo.
Tartanka loogu jiro saxiixa Gyokeres ayaa hadda u muuqda mid xoogan, iyadoo labada kooxood ee Manchester ay ku dagaalamayaan saxiixa xiddigan gooldhalinta sare leh.