Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka niyad-jabtay qiimaha loo go’aamiyey in lagu iibiy xiddig u calaamadsanaa oo ay doonayeen inay la saxeexdaan xagaaga, si ay ugu xalliyaan mushkiladda ka taagan difaaca dhexe ee Liigaya.
Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu marar badan ku celceliyey in kooxdu u baahan tahay difaac dhexe, waana sababtii uu kooxdiisa ugu riixay saxeexa waqtiga gaaban ah ee Jonny Evans oo hadda u noqday ciyaartoy muhiim ah.
Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in uu doonayo inuu koxda keeno difaaca dhexe ee reer France ee Jean-Clair Todibo oo u ciyaara kooxda horyaalka Faransiiska ee Nice oo ah naadi uu iska leeyahay Sir Jim Ratcliffe.
Red Devils ayaa filaysay in Sir Jim Ratcliffe uu ka caawin doono in ay si fudud ku helaan Jean-Clair Todibo maadaama uu go’aanka mustaqbalka ee laacibkani gacantiisa ku jiro, hase yeeshee Nice ayaa waxa ay go’aamisay in ay difaaceedan dhexe ku iibiso lacag u dhaxaysa €55 milyan oo Euro illaa €60 milyan oo Euro.
Manchester United oo sidoo kale doonaysa difaaca Everton ee Jarrod Branthwaite ayaa waxa isagana ay ka biyo diidsan yihiin qiimaha lagu xidhay oo ah ugu yaraan £70 milyan oo Gini.
United ayaa isku dayi doonta inay ku qanciso Nice inay tanaasul ka samayso qiimahan badan oo ay hoos usoo dhigto, balse waxa la ogaan doonaa marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku ee la gaadho suuqa xagaaga.