Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay shaqada ka ceyriso Ruben Amorim haddii natiijooyinku aysan soo hagaagin, iyadoo la sheegay in maamulka kooxda aysan aqbali doonin inay ku sii jiraan heerka dhexdhexaadka ah ee Premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Warbixinada la helayo ayaa sheegaya in ay jiraan qorshayaal fog oo la xiriira mashruuca Amorim ee Old Trafford, balse maamulka Red Devils ma oggolaan doonaan in guuldarrooyinka sii socdaan.
Amorim wuxuu la wareegay shaqada Manchester United bishii November, markaasoo uu ka tagay kooxda Sporting CP, halkaasoo uu ku muteystay guulo badan. Wuxuu door biday inuu la wareego koox jahwareersan, taasoo natiijooyinkii ugu horreeyay ee uu gaaray ay ka tarjumayaan caqabadaha uu la tacaalayo. Inkastoo la fahamsan yahay inuu u baahan yahay waqti si uu kooxda ugu dhafo nidaamkiisa 3-4-3, haddana cadaadis badan ayaa saaran.
Sida laga soo xigtay The Athletic, maamulka United ma siin doonaan fursad badan haddii uu sii wado guuldarrooyinka joogtada ah.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Sir Jim Ratcliffe, Sir Dave Brailsford iyo Omar Berrada ay rabaan in tababare Amorim uu guuleysto, si ay uga fogaadaan warar xun oo dheeraad ah oo saameeya sumcadda kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in haddii Man United ay xilli ciyaareedka dambe kusii nagaato kaalinta 13-aad, sida ay hadda tahay, aysan taasi noqon doonin mid la aqbali karo. Maamulka cusub ee kooxda ayaa leh yool sare, iyagoo raba inay ku guuleystaan horyaalka Premier League marka la gaaro 2028, sidaas darteed, waxqabadka Amorim waa inuu si degdeg ah u soo hagaagaa haddii kale waa la ceyrin doonaa.