Xiddigii hore ee England, Lee Sharpe, ayaa kula taliyay Manchester United inay la soo saxiixato Jean-Philippe Mateta oo ka tirsan Crystal Palace si uu u xoojiyo weerarka isla markaana garab ugu noqdo Rasmus Hojlund.
Sharpe ayaa xusay in Mateta uu ku habboonaan doono kooxda Ruben Amorim, isagoo aaminsan in weeraryahanka reer France uu caawin weyn u noqon doono United maadaama uu khibrad badan leeyahay.
Khubarada kubbada cagta ayaa sheegay in Hojlund uu wax badan ka baran karo 27-jirkan haddii ay wada ciyaaraan.
Sharpe ayaa u sheegay Daily Express, “Jean-Philippe Mateta wuxuu noqon lahaa saxiix aad u wanaagsan oo ay sameyso Manchester United. Wuxuu nasasho siin lahaa Rasmus Hojlund, wuxuuna noqon lahaa ciyaaryahan uu wax ka barto isla markaana uu ka garab ciyaaro.
Waa ciyaaryahan jir ahaan adag, oona cabsi ku haya daafacyada, sidaas darteed waxaan aaminsanahay inuu noqon doono xulasho wanaagsan.
“Marka la eego ciyaartoyda uu Ruben Amorim heysto iyo qaabka uu doonayo inuu ciyaaro, Jean-Philippe Mateta waa saxiix ku habboon.
“Waa ciyaaryahan garanaya sida loo ilaaliyo kubbada, garanaya meesha goolka laga dhaliyo, wuxuuna saaxiibadiisa ciyaarta ku soo dari karaa tartanka.”
Kooxda Amorim ayaa fadhisa kaalinta 15-aad ee Premier League, iyagoo leh 34 dhibcood 28 kulan kadib, waxana ay dhalisay 34 gool oo kaliya.
Joshua Zirkzee iyo Rasmus Hojlund ayaa si wadajir ah u dhaliyay shan gool.
Sidoo kale, Hojlund gool kama dhalin horyaalka tan iyo December 7, markaasoo uu shabaqa soo taabtay kulankii Nottingham Forest.