Milkiilaha cusub ee saamiga yar ee Manchester United, Sir Jim Ratcliffe, ayaa si cad u magacaabay shan ciyaaryahan oo uu u arko inay mushaar ka badan qiimahooda ka qaataan kooxda, isagoo si gaar ah u xusay Antony, kaasoo £86m ugu soo biiray Red Devils balse aan la jaanqaadin filashadii laga qabay.
Ratcliffe wuxuu noqday milkiile saamiley ah bishii Febraayo 2024, wuxuuna haatan gacanta ku hayaa maamulka kubadda cagta ee Manchester United, isagoo xilkaas kala wareegay Glazer family.
Milkiilaha shirkadda INEOS ayaa si furan uga hadlay khaladaadka la galay suuqyada kala iibsiga ee lasoo dhaafay, wuxuuna sidoo kale difaacay Joshua Zirkzee, oo ka mid ah xiddigaha la dhaleeceeyay.
Sir Jim Ratcliffe wuxuu si gaar ah u tilmaamay khaladaadka lagu galay saxiixyada Antony, Rasmus Hojlund, Andre Onana, Jadon Sancho iyo Casemiro, kuwaas oo uu u arko in qiimahooda iyo waxqabadkooda aysan is waafaqsaneyn.
Manchester United waxay ku bixisay:
- £72m si ay u hesho weeraryahanka Hojlund
- £47.2m si ay u keento goolhaye Onana
- £73m si ay u la soo saxiixato garabka Jadon Sancho
- £70m si ay uga soo qaadato Real Madrid khadka dhexe ee reer Brazil Casemiro
Shantan ciyaaryahan ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay waxqabadkooda tan iyo markii ay yimaadeen Old Trafford, gaar ahaan Hojlund, kaasoo todobaadyadii ugu dambeeyay si gaar ah ugu jiray bartilmaameedka taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha.
Waxaa goordhow la filan karaa in xiddigahan lagu qasbo iney sameeyaan mushaar dhimis haddii ay doonayaan iney sii joogaan kooxda.