Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Kevin De Bruyne, ayaa wajahaya su’aalo la xiriira mustaqbalkiisa, maadaama uu galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa. Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in kooxaha ka dhisan horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer (MLS) ay xiiseynayaan saxiixiisa, gaar ahaan kooxda cusub ee San Diego FC.
Sidoo kale, warbixinno kale ayaa tilmaamaya in kooxaha ka dhisan horyaalka Sacuudiga ay doonayaan inay la soo wareegaan De Bruyne, iyagoo u arka inuu yahay xiddig sare oo kor u qaadi kara sumcadda horyaalkooda.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa bishii Luulyo ee sanadkii hore sheegay in De Bruyne uusan ka tagi doonin kooxda xagaagaas, isagoo beeniyay wararka la xiriira bixitaankiisa.
Iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, De Bruyne wuxuu leeyahay fursado kala duwan oo uu mustaqbalkiisa uga sii qorsheyn karo, oo ay ka mid yihiin inuu sii joogo Manchester City,ama u wareego horyaalka Mareykanka ama uu aqbalo dalab ka yimaada kooxaha Sacuudiga. Go’aanka uu qaadan doono ayaa ah mid la sugayo, iyadoo taageerayaasha City ay si dhow u la socdaan xaaladdiisa.