Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iska xaadirisay finalka koobka ay difaacanayso ee FA Cup, kaddib markii ay guul cidhiidhi ah ka gaadhay Chelsea oo uu xilli-ciyaareedkeedu kusoo dhamaaday murugo koob la’aan ah.
Gool madi ah oo uu dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan tahay u dhaliyey Bernardo Silva ayaa Manchester City siiyey guul ay si weyn ugu dabbaal-dageen, kuna soo celiyey tubta libinta ee ay ka leexisay Real Madrid oo Arbacadii ka reebtay Champions League ayaa waxa ay ku cadho-burbureen Chelsea oo kubadda la qaybsatay isla markaana heshay fursado dahabi ahaa oo ay iska khasaariyeen.
Chelsea ayaa ka qoomamoon doonta fursaddii ugu fiicnayd ciyaarta oo uu ka lumiyey Nicolas Jackson oo kubbad uu u gooyey goolhayaha dib usoo celiyey oo ciyaartoyda Man City lugta ka saaray halkii uu goolka ku laadi lahaa, iyadoo jamaahiirta Blues ay xasuustaan khasaarihii rikoodhaha ee uu sameeyey finalkii Carabao Cup ee ay Liverpool rikoodheyaasha kaga adkaatay Blues isla garoonkan Wembley bishii February.
Blues ayaa ku doodday in rikoodhe loo dhigo markii laad xor ah oo uu soo tuuray Cole Palmer ay gacanta kaga dhacday ciyaartoyda Man City laakiin garsooraha dhexe iyo VAR ayaa si lama-filaan ahayd iskugu raacay in ay kubaddu koorne tahay oo aan rikoodhe la dhigaynin.
Palmer ayaa sidoo kale kooxdiisa hore ku tuuray kubbad dhulka socotay oo uu goolhayuhu ka badbaadiyey, balse De Bruyne iyo Silva ayaa dhawr jeer khasaariyey kubbado, halka Jack Grealish iyo Phil Foden uu nasiibku diiday.
Nicolas Jackson ayaa goolhayaha ula tegay kubbad uu difaaca kala yimid, waxaana uu dhinac ka dhigay goolhayaha oo tiigsaday kana badbaadiyey, balse mar kale ayaa madax loosoo saaray waxaanu ku beegay goolhayaha oo markii labaad ka badbaadiyey.
Daqiiqaddii 84aad iyadoo ciyaartu u muuqanaysa in ay 90ka daqiiqadood goolal la’aan ku dhamaanayaan ayaa waxa kubbad uu De Bruyne ka keenay dhinaca midig, waxaana lugta la helay goolhayaha Chelsea oo iska leexiyey laakiin waxay u tagtay Bernardo Silva oo meel dambe oo dhinac midig ah jooga, waxaanu toogtay darbad kusii dhacday Marc Cucurella kaddibna shabaqa ayay gashay.
Goolkan ayaa noqday midka kaliya ee kala saaray labada kooxood ee Manchester City u diray finalka FA Cup oo ay la ciyaari doonto Manchester United iyo Coventry City midkooda soo badiya kulankooda berri.