29 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa tababar ku qaadanayay meel ka baxsan kooxda koowaad ka dib markii uu u sheegay maamulaha Blues Enzo Maresca inuu boos uga banaanen kooxda.
Iyadoo lagu nuuxnuuxsaday inaysan jirin wax dammaanad ah oo ah in heshiis la gaaro, waxay hoosta ka xariiqday rabitaanka agaasimaha ciyaaraha United Dan Ashworth si uu u arko haddii uu u isticmaali karo xaaladda Stamford Bridge faa’iidada kooxdiisa.
Ilaha United ayaa carabka ku adkeeyay in heshiis kasta uu ku jiri doono shuruudahooda, inkastoo garabka Jadon Sancho uu sidoo kale diyaar yahay, waxaana la og yahay inuu xiiseenayo Chelsea.
Juventus ayaa xiiso u qabta Sancho laakiin waxa ay diidaysaa rabitaanka United ee ah in ay ku darto waajibka ah in ay wax ku iibsadaan heshiis kasta oo amaah ah, sidoo kale ma doonayaan in ay bixiyaan dhamaan mushaharka 24 jirka.
Sterling, oo 82 kulan u saftay England, waa taageere United oo tan carruurnimadisa ah.
10 sano ayuu ku qaatay Waqooyi Galbeed, markii ugu horeysay Liverpool, ka dibna Manchester City, halkaasoo uu kula guuleystay 10 koob oo waaweyn ka hor inta uusan ku biirin Chelsea heshiis 50 milyan ginni ah laba sano ka hor.